Heritage oo ka Hadashay Xaaladda Kismaayo

Heritage oo ka Hadashay Xaaladda Kismaayo

daajis.com:-Machadka Cilmi Baarista ee Heritage ayaa warbixin ay soo saartey waxay ku xustey in xiisadaha ka aloosan Kismaayo ay wiiqi karaan  Dowladda Federaalka.

Machadka ayaa sheegay in xiisadahana ay dagaalo sokeeye dhalin karaan, loona baahan yahay dowladdu inay aqoonsato dadaalka iyo halgankii kooxda Raas Kambooni ee uu horkacayo Ahmed Madoobe.

Sidoo kale warbixinta uu soo saaray Machadku ayaa tilmaantay in walaaca ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qabto inaan loo dhammeyn isla markaana uusan hufneyn hannaankii lagu dhisay “Jubbaland” in sitaxaddar leh loo tixgaliyaa.

Kismaayo ayaa gashey xaalad cakiran markii khilaaf uu ka dhashey dhismaha maamul loo sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysi ay VOA la yeelatay Cabdirashid Khaliif oo ah agaasime ku xigeenka Xaruunta Heritage.

 _____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada