daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran Axmedinajaad, ayaa waxaa xafiiskiisa Magaallada Dahran loogu geeyay Bashqad xiran oo ay ku jirto Warqad taasoo ay usoo gudbisay Haweeney Reer Dahraan ah oo dabeecada iyo dhaqamadda Axmedinajaad ka heshay.
Haweeneyda oo lagu Magacaabo Fatma Tijaani, ayaa waxa warqadaasi uga yaabsatay Madaxwynaha iyadoona ay Ilaaladiisa qadarin u sameeyeen Haweeneyda ayee waxa ay Bashqada Jaceylka u gudbiyeen Axmedinajaa, Hayeeshee waxa uu aqrinta qoraalkaasi ka qaaday Amankaak iyo fajac.
Sida ay qoreen Warbaahinta Iran ilaa iyo iminka Madaxweyne Axmedinajaad kama uusan jawaabin warqadaasi, waxa uuna Haweeneydaasi ku balamiyay inay jawaab heli doonto Bisha 6-aad 7-da.
Haddaba ma aha markii ugu horeysay oo ay Haweeney Qoraal Jaceyl u dirtay Madaxweyne Axmedinajaad waxa ayna mid waliba hal ku dhig ka dhiganeysaa inay Jeclaatay Hab dhaqankiisa iyo Dabeecadaha uu Bulshadda kula dhaqmo.
Xigasho:-allbanaadir_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:30 and have

