daajis.com:-Xulka heysta koobka Qaramada Asia Japan ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee si rasmi ah ugu soo baxa koobka adduunka ee 2014 ka dhacaya Brazil.
Waxaana ay arintaan ka danbeysay ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku qabteen xulka Australia oo ay kuwada jiraan group B isreebreebka koobka adduunka ee qaarada Asia.
Gool rigoore ah oo uu dhaliyay Keisuke Honda dhamaadkii ciyaarta ayaana Japan ka caawisay inay barbaro 1-1 ah ku dhameystaan ciyaartii maanta ka dhacay Saitama.
Dhibicda ay ka helaan kulankaan ayaana waxa ay la micno tahay in Japan ay ku dhameysan doonaan labada xul ee ugu sareeya Group B ee qaarada Asia ee u soo baxaya koobka adduunka iyadoo kulan kale uu u harsan yahay.
Japan ayaa sidoo kale aheyd xulkii ugu horeeyay ee u soo baxaya koobkii adduunka ee 2010 iyo kii 2006 halka 2002 ay qeyb ka martigeliyeen koobka adduunka.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:22 and have

