daajis.com:-Waxaa halkaani idin kugu soo bandhigeynaa Qaladaadka ugu badan ee uu galay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole inta uu ku sugan yahay Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya waxaana kamid ah:-
1- Waxa uu gorgortan kula galay Magaallada Kismaayo Dowladda Kenya.
2- Waxa uu Dowladda Kenya ugu faanay in Qaska ka socda Magaallada Kismaayo uu isaga sabab u yahay.
3- Waxa uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ugu faanay in Axmed Madoobe iyo Asxaabtiisa Siyaasadda looga meeriyo Magaallada Garoowe.
4- Waxa uu ku wargaliyay Dowladda Kenya in lagu jiro xilliga Arrimaha Kismaayo lagala tashan lahaa isaga.
5- Waxa uu ku faanay inuu laaday Go’aano ay Xukuumadda Somalia ku xasilin laheyd Arrimaha Kismaayo xiligaani ka taagan.
6- Waxa uu Faroole Meesha ka saaray in Dowladda Somalia ay dadaal ugu jirto Xasilinta Khilaafaadka Kismaayo ka taagan.
7- Waxa uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu faanay in kulankii uu Magaallada Garoowe kula qaatay Madaxweyne Xassan uu ku fashiliyay Qodobo badan oo laga fulin lahaa Kismaayo.
8- Wuxuu sheegay in Dowladda Somalia ay dooneyso inay Colaado ka abuurto Puntland, waxa uuna sheegay inay adeegsaneyso Mas’uuliyiin uu kamid yahay Cadde Muse.
9- Waxa uu ku faanay in Dowladda Somalia ay garan la’dahay qaabka ay ula xaajoon laheyd Maamulka Puntland.
10- Ugu dambeyntii, waxa uu ka been sheegay Xukuumadda Somalia, isagoona Tilmaamay inay dhiilo Colaadeed ka abuureyso Kismaayo.
Haddaba 10-ka Qodob ee kor ku xusan ayaa waxa ay ka turjumaayan sida uu C/raxmaan Faroole ugu tafa xeydanaayo in Somalia ay dib ugu laabato 22-sanno ay kasoo gudubtay, waana Qodobo uu ku faanay inta uu socdaalka ku joogo Magaallada Nairobi.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:00 and have

