daajis.com:-Barta ay ku leedahay ururka Alshabaab Twitterka ayaa lagu shaaciyay in ururka Alshabaab uu hayo askar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.
Alshabaab ayaa waxa ay ku sheegtay boggeeda in askartan ay yihiin qaar ay ku soo qabatay dagaal dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal habeenkii Sabtiga 31,May,2013 ka dhacay duleedka Muqdisho ku dileen 14 askari Yugaandheys ah waxaa kale oo mujaahidiintu qabteen Maxaabiis uu kamid yahay Taliyihii ciidanka ee Saldhigga la weeraray”.ayaa lagu yiri qoraalka Al shabaab.
Hase yeeshee ururka Alshabaab ayaan soo bandhigin wax cadeymo ah oo ay ku muujinayaan inay hayaan ciidamadan ka tirsan AMISOM ee ay sheegeen inayqabteen.
Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:53 and have

