daajis.com:-Saddex ruux ayaa ku geeriyootay shan kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii baabuur uu gudaha u galay goobo lagu ganacsado magaalada Boosaaso.
Dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay shilkan ayaa ahaa dad ku sugnaa goobo ganacsi bartamaha magaalada Boosaaso.
Baabuurka shilka galay oo ahaa kuwa raaxada ayaa darawalkii waday awoodi waayay in uu xukumo waxaana uu gudaha u galay goob lagu iibiyo qaadka iyo meherado kale.
Darawalkii gaariga shilka galay ayaa la sheegay in xasbiga la dhigay waxana uu shilkan ka mid yahay kuwa ugu xumaa ee ka dhaca magaalada dekeda ah ee Boosaaso.
Dadka kaxeeya gawaarida lagu raaxeysto ayaa u badan kuwo aan si wanaagsan u wadi aqoon baabuurta waxayna taasi sababtaa in mar walba ay dad wax ku noqdaan shilalka ay galaan gawaaridaas.
Dalka Soomaaliya ayaa maalin walba dekedaha ku yaal waxaa laga soo dejiyaa baabuur u badan nooca raaxada waxaana magaalooyinka qaarkood haatan ay noqdeen kuwa baabuurta ay meel ay kala maraan la'.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:49 and have

