Kulan looga hadlayay sidii Soomaalida Kenya u sameysan lahaayeen Jaaliyad oo Nairobi ka dhacay (Sawirro)

Kulan looga hadlayay sidii Soomaalida Kenya u sameysan lahaayeen Jaaliyad oo Nairobi ka dhacay (Sawirro)

daajis.com:-Kenya waxay ka mid tahay dalalka ay degan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool wadamada aduunka, gaar ahaan dalalka Afrika.

Kulan looga hadlayay qaabkii Soomaalida ku nool Kenya ay u yeelan lahaayeen jaaliyad ay ku mideysan yihiin ayaa ka dhacay magaalada Nairobi.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta,wax-garadka iyo haweenka ku nool xaafada Islii oo ah goobta ay Soomaalida Kenya ku badanyihiin ayaa kasoo qeyb galay munaasabadan.

Kulankan looga arinsanayay sidii loo sameyn lahaa hogaanka jaaliyada Soomaalieed ee Kenya ayaa waxaa soo abaabulay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Kenya iyo shaqsiyaad ka yimid dalka Ingiriiska.

Eng. Xasan Qoordheere oo ka mid ah dadkii kulankan ugu yeeray dadkii kasoo qeyb galay ayaa sheegay in ujeedadooda tahay sidii loo heli lahaa jaaliyad ay ku mideysan yihiin Soomaalida Kenya.

“Waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqeyno sidii Soomaalida Kenya ku nool ay u yeelan lahaayen jaaliyad mideysa,mana ahan muhiimadeena in aan anaga hogaan ka noqo ,lakiin cid walba oo Soomaali ah ayaa hogaamin karta jaaliyadan”ayuu yiri Eng Qordheere.

Shiikh Ibraahim Shakuul oo ka mid ahaa dadkii munaasbada ka soo qeyb galay ayaa dhankiisa ku baaqay in si wada jir ah loo qiimeeyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in uu soo dhaweynayo qaban-qaabadan aas-aaska jaaliyada cusub.

Sidoo kale dadkii gabagadii kulanka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, Axmed Nuur Haadi, gudoomiyaha waayaha cusub Shiine Akhyaar iyo dad kale oo aad ubadan kuwaas oo dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyay hindisaha yagleelida hogaanka jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya.

Soomaalida ku nool Kenya ayaan lahayn hogaan jaaliyadeed oo si buuxda ay u aqoonsantahay dowlada Kenya, laga soo bilaabo xilligii ay kusoo qaxeen Kenya kadib dagaaladii sokeeye 1991-dii.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada