Mucaaradka Faroole oo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabay Qardho

Mucaaradka Faroole oo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabay Qardho

daajis.com:-Olole siyaasadeed oo ka dhan ah Maamulka Faroole ayaa si xowli ah uga socda magaalada Qardho, iyadoo uu fashil ku dhamaaday kulan ay lahaayeen Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Madaxweynihii hore Jen. Cadde Muuse oo ka dhacay Qardho.

Qardho ayaa mudooyinkii u dambeeyay aheyd meelaha ay dadka ka soo horjeeda Faroole ka wadeen abaabulka siyaasadeed, waxaana Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire uu ka digay waxa uu ugu yeeray hagar daamooyin iyo qorshayaal siyaasadeed ka dhan ah dowladda Puntland.

C/samad Shire ayaa sheegay in la doonayo in Puntland lagu rido tacab qasaare, isla markaana beylah laga dhigo mirihii ay gurteen 14-kii sano markii nidaam iyo maamul ka hana qaaday deegaanada Puntland.

Waxaa uu ugu baaqay dadka Puntland iyo maamulka inay iska kaashadaan, si ay meel qudha uga soo horjeestaan dadka hagar-daamada ku wada.

Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi iyo Madaxweyne Faroole ayaa xilligan ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed, waxaana kol hore jiray siyaasiyiin mucaaradsaneyd Faroole oo ka soo horjeeday muddo kororsiga uu sameystay.

Si kastaba ha ahaatee siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka jira deegaanada Puntland ayaa salka ku haya maamulka iyo awooda Faroole ku doonayo inuu mar kale xukunka sii dheereysto.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada