Labo ruux oo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

Labo ruux oo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

daajis.com:-Labo ruux ayaa xalay lagu dilay Xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan dilkaas.

Sida ay sheegayaan wararka labada ruux ayaa kooxo ku hubeysan bastoolado ku dileen xaafadaas oo labadii maalmood dagaalo ka dhacayeen.

Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ay ganacsato ahaayeen, iyadoo kooxihii dilkooda ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan tan iyo shalay, waxaana socda dadaalo iyo waan waan lagu qaboojinayo xiisadaha u dhaxeeya labada maleeshiyo ee ku dagaalamay magaalada.

Odayaal iyo waxgarad deegaanka ah ayaa ku howlanaa daminta colaada labada dhinac, waxaana ilaa iyo hada ku guuleysteen in xabad joojin kala dhex dhigaan labada dhinac.

Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo bartamihii bishii hore xaaladeeda aheyd mid cakiran, kadib markii looga dhawaaqay Madaxweynayaal dhowr ah oo isku haya siyaasada iyo maamulka magaalada kheyraadka leh.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada