Kenya: Caruur Walaalo ah oo ku Dhintay Qarax

Kenya: Caruur Walaalo ah oo ku Dhintay Qarax

daajis.com:-Qarax shalay ka dhacay tuulada Madax Libaax ee magaalada Saaka ee gobalka Woqooyi-bari Kenya, ayaa waxaa ku dhintay seddex caruur ah oo walaalo ah.

Caruurta qaraxa ku dhimatay oo kala ahaa laba wiil iyo gabar ari la joogay, ayaa waxaa ku qarxay waxyaabo ay ku  ciyaarayeen sida uu daajis u sheegay Cabdulqaadir Cumar Aadan oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaankaas oo ku suganaa meelaan ka fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay.

Cabdulqaadir ayaa intaa ku daray in hay’adaha ammaanka ay ka sugayaan jawaabta rasmiga ah ee ku saabsan waxa  keenay qaraxa.

“Aad baan uga murugoonay sida ay ilmaha yar ee walaalaha ah ku geeriyoodeen, waa mid aad iyo aad noo laxawsiisay, waa mid aan dowladda ka dooneyno  inay si buuxda uga jawaabaan halka uu ka imaaday arrimaha qaraxa keeneen” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Aadan

Ciidmada Ammaanka ee Kenya oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa  sheegay inay baarayaan waxa keenay qaraxa ay caruurtu ku dhinteen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada