Itoobiya oo ka baxday heshiiskii Niilka

Itoobiya oo ka baxday heshiiskii Niilka

daajis.com:-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiis la saxiixay waqtigii gumaysiga oo xaqa ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Niilka siinayo Sudan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya waxay ku doodaysaa in heshiiskan, oo la siixay 1929-kii, uu waqtigiisu dhammaaday.
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeedda tallabadan ay qaadday Itoobiya.

Madaxweynaha Masar, Maxamad Mursi, ayaa horey u sheegay in dalkiisu ay u furan tahay waddo walbo oo lagu joojin karo dhismaha biyaxireenka ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niilka.


Dadka reer Masar ee gaaraya 84-ta Milyan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin webiga Niilka.

Dowladaha ku yaalla Bariga Afrika ee uu soo maro webiga Niilka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in dib looga hadlo qodobada heshiiska la saxiixay xilligii gumaysiga oo Sudan iyo Masar oo keliya u oggolaanayo inay dhisan karaan biyoxireenno.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada