VIDEO+SAWIRO:Somali dilay sadax soomali ah isagana isdilay Maraykanka

VIDEO+SAWIRO:Somali dilay sadax soomali ah isagana isdilay Maraykanka

daajis.com:-Magaalada St. Louis ee dalkan maraykanka ayaa waxaa maantay  ka dhacday arin xanuunleh kadib kolkii nin soomaali ah uu ku dilay sadax qofood oo ay laba dumarah ku jiraan isagoo is dilay markaa kadib booliiska ayaa waxaa ay sheegeen in soomaalidan uu ka dhaxeeyay ganacsi midka mid ah ayaa waxaa uu ahaa milkiilaha goob dadka dhimirka looga jiro iyo waayeelada lagu xanaaneeyo iyadoo kuwa kalena ay ahaayeen shaqaalaha ninkaas 1:40 p.m duhurnimo xiliga magaalada St. Louis ayaa waxaa la maqlay rasaas kadhacaysa gudaha xaruntan ganacsi iyadoo booliska ay sheegen in kaamirada  ku xirneed gudaha goobtan ay muujinayso in nin ka mid ah  soomaalidan uu diilay kuwa kale kadib muran dhex maray isagana is dilay.

dadka dariska la ahaa ayaa waxaa ay sheegayaan in todabaadyadanba murano iyo buuq u dhaxeeyay Soomaalidan ay arkayeen balse ma cada sababaha kadanbeeeya in  soomaalida afarta ah ay dhintaan iyadoo la la yaababan yahay ujeedka uu isku dilay midka hubaysnaa
waxaa goobta isagu soo baxay dad qaraabo la ahaa soomaalidii dhimatay iyadoo kolkaa kadibna uu buuq dhaxmaray qoysaska dadkan uu boliiska soo dhex galay  hadaba waxii ku soo kordha arintandib ayaan kasoo qori doobaa hadii eebe idmo

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada