daajis.com:-Wiil Soomaali ah oo ku noolaa dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay inuu is dilay oo uu dabaq dheer iska soo tuurey ka dib markii loo diiday sharciga dalkaas
Wiilkaas Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Guuleed (AUN) ayaa waxaa la sheegay inuu iska soo tuurey dabaqa 4 aad guri ku yaala magaalada Suicidio ragazzo somalo Firenze ee dalkaas Talyaaniga gurigaas aya sidoo kale waxaa ku noolaa kale oo soomaali ah oo gaaraayey ilaa iyo 150 qofood, Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa waxaa la sheegay inuu dalka Talyaaniga yimid sanadkii 2011 asagoona codsiyadiisii sharciga iyo dukumiinti uu ku shaqeysta loo diiday taas oo ay wararku sheegayaan inuu arintaas ka qaaday niyad jab iyo isla hadal ka dibna uu go'aansaday inuu is dilo taas oo uuna iska soo tuurey dabaqaas dheer.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida ku nool dalkaas Talyaaniga ay yihiin kuwo ku nool nolol adag marka loo eego wadamada kale ee reer Yurub badankood ayaa wadankaas waxaa jira Soomaali badan oo ku dhibaateysan iyadoona ay inta badan Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool dalka Talyaaniga ay ku nool yihiin nolol aad iyo aad u adag oo dhinac kasta ah iyadoona ay mar walba ay soo wajahaan dhibaatooyin baaxad weyn oo ay adag tahay inay ka gudbaan
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:40 and have
, Published at