Maxkamada ciidamada oo u digtay askarta aan dareeska xiran

Maxkamada ciidamada oo u digtay askarta aan dareeska xiran

daajis.com:-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay ciidamada dowlada Soomaaliya ee aan dareeska ciidan si wanaagsan u qaadan. 

Afhayeenka maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin in askari dambe oo hub sita isla markaana aan xirneyn dareeska ciidanka oo dhamaystiran.

Waxana uu afhayeenku intaa raaciyay in la ciqaabi doono sarkaalka madaxda u ah askarigii lagu helo isagoo aan si wanaagsan u qaadan dareeska ciidanka.

“Dhamaan waxaan rabaa inaan ku wargeliyo Saraakiisha ciidanka qalabka sida nooc waliba ay yihiin macquul ma’ahan mana shaqeyn karo lagamana yeelayo hada kadib sarkaal ciidan xukumo nin tuuto wata oo surwaal shacab ah hoos kawata qorina wata,waan ognahay wey dhacdaa laakiin lagama yeelayo,saraakiisha Booliiska, Nabadsugida iyo Milateriga waa lagula xisaabtamayaa”ayuu yiri C/llaahi Maxamed Muuse.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaarkood aanba gashan tuutaha ciidanka taasoo ah sharaf dhac ku yimaada ciidamada dowlada iyadoo haatan caasimada dalka ee Muqdisho ammaankeeda uu wanaagsan yahay isla markaana aysan joogin ciidan aan ka ahayn kan dowlada Soomaaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada