Somalia: Xuduudaha Baddeenu Gorgortan Ma leh

Somalia: Xuduudaha Baddeenu Gorgortan Ma leh

daajis.com:-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay Go’aankii Baarlamaanka Ku Meelgaarka ah sannadkii 2009-ka uu ku diiday isfaham ay gaadheen Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsanaa wadahadal laga galo xuduudaha badda Soomaaliya.


ka dib kulan Golaha Wasiirrradu ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdishu, ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in dawladda federaalku aysan taageersanayn is-fahamkaasi hore oo doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed.

Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayaa magaalada Nairobi ee Kenya ay ku saxiiixeen Wasiirkii hore ee Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirkii  hore ee Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan.

Dawladda Soomaaliya ee federaalka ah waxay sheegtay inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada