Sawiro: Ku Dhawaad 60 Kun Taageerayaal Ah Oo Neymar Ku Soo Dhaaweeyay Camp Nou Maanta.

Sawiro: Ku Dhawaad 60 Kun Taageerayaal Ah Oo Neymar Ku Soo Dhaaweeyay Camp Nou Maanta.

daajis.com:-Ku dhawaad 60 kun taageerayaal ah ayaa Neymar maanta ku soo dhaweeyay garoonka Camp Nou iyadoo Barcelona ay si rasmi ah u soo bandhigtay xiddigeeda cusub.

Neymar oo isla maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis shan sanno ah, ayaa markii ugu horeysay ee uu cagta saaro garoonka Camp Nou waxaa sacab iyo qeylo damaashaad leh ku soo dhaweeyay jamaahiirta Blaugrana.
21 jirkaan oo saaka gaaray Barcelona ayaana tijaabada caafimaadka u maray kooxda ka hor inta uusan qalinka ku suugin heshiiska uu Catalan ku sii joogi doono ilaa 2018.

Neymar oo ah ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisanaa taariikhda Barcelona ayaana soo dhaweyntiisa iyo soo bandhigistiisa waxaa si toos ah u baahineysay TV-ga Barca, iyadoo suxufiyiin daafaha dunida ka kala socda ay ka qeybgaleen.
Neymar ayaana la hadlay jamaahiirtii soo xaadirtay isagoo yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ahay ciyaaryahan Barcelona ah… waa riyo rumowday.
“Waxaan halkaan u joogaa inaan kooxda caawiyo, islamarkaana Messi ka caawiyo inuu sii ahaado ciyaaryahanka adduunka ugu fiican.
Neymar ayaan aheyn ciyaaryahankii ugu horeeyay ee sidaan loo soo dhaweeyo, Ibrahimovic waxaa garoonka u soo xaadirtay 60 kun, Cesc iyo Villa 35 kun, Henry 30 kun iyo Ronaldinho 25 kun.
Madaxweyne ku xigeenka Barcelona Bartomeu ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ka dib markii ciyaaryahanka la soo bandhigay sheegay inay ciyaaryahanka ku soo iibsadeen 57 milyan euro, islamarkaana qandaraaskiisa cusub ee kooxda lagu burburin karo 190 milyan euro.
Heshiiskii ciyaaryahanka lagula soo wareegay waxaa ku jirtay in labo kulan oo saaxiibtinimo ay la ciyaaraan Santos FC, oo mid ka mid ah ka dhici doonta Camp Nou.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada