daajis.com:-Magaceyga Waa Safiya Axmed Sahal Ku Nool Kenya Waxaan is qabnaa ku dhawaad 12-sano,waxaana isku leenahay 4 carruur ah,mudo sedex bilood hada laga joogo waxaan ka war helay in naag kale ku jirto nolosha ninkeyga.
Waxaan arkay xilliga uu musqusha galayo xitaa inuu mobilka horey usii qaadanayo,waxaan arkay asagoo wacaayo markaan weydiiyeyna wuxuu iisheegay iney isku meel ka shaqeeyaan,shaki iyo isbedelo badan ka dib waxaan helo warbixin buuxda oo ku saabsan qofta uu xiriirka la leeyahay magaceeda,meesha ay degan tahay iyo waqtiyada ay kulmaan.
Guriga xilliyada uu yimaado mararka qaar waxaan ku arkaa dharkiisa tin dhaadheer oo shaatigiisa saar mararka qaarna waxaa ka soo carfeysa garankisa barafuun naago.
Markii aan wajahana wuu inkiraa wuxuu igu tilmaamaa inaan maserey ahay oo aan shaki badanahay.
Hadii aan doonaayo inaan noloshiisa ka baxo muxuu runta iiga qarinaa? Maxaa diiday inuu xaqiiqda wejiga iga saar?
Markaan isguursaneyn aduunka dhan asaga dartiis ayaan ula dagaalay,waxaan ka madax adeygay talooyin qoyskeyga iisoo jeediyeen,isagana jisadeyda wuxuu ka dhigay inuu I qayaamo. Wuu iga xiiso dhacay maxaan sameeyaa?
Muhiimada bahda daajis ula soo xariiray waxa ay tahay in ay ila qeybsadaan taladooda ku aadan sida aan arintaan u xalin karo , waan rajeynayaa in taladiina uu il iiga biix doono .
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:26 and have

