AMISOM oo sheegtay inay fashilisay weerar Al-Shabaab ku soo qaaday Garoonka Kismaayo

AMISOM oo sheegtay inay fashilisay weerar Al-Shabaab ku soo qaaday Garoonka Kismaayo

daajis.com:-Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay ka hortageen weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen xarun ciidan ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa weeraro is xigay ku qaaday garoonka, iyagoo u adeegsaday madaafiic.

War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen habeen hore marka saacada aheyd 8:15, fiidkii iyo weerar kale oo abaarihii 3:30 habeenimo ku soo qaadeen.

AMISOM ayaa sheegtay inay ka gubtay mid ka mid ah gawaaridii dagaal ay wateen Shabaab, isla markaana qasaare badan ay gaarsiiyeen sida lagu yiri War saxaafadeedka.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weeraro is xigay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, ayna qasaare xoogan gaarsiiyeen AMISOM.

Abuu Muscab ayaa sheegay in difaacyadii ay lahaayeen AMISOM ay ka saareen, isla markaana teendhooyinkooda ay ku gubteen rasaastii la is dhaafsanayay.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa Al-Shabaab laga saaray 2-Ocrober ee sanadkii 2012, kadib ciidamada AMISOM oo taageeraya ciidamo Soomaali ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada