Man Utd oo Warqad digniin ah u dirtay Chelsea oo ku saabsan gor-gorinta Rooney

Man Utd oo Warqad digniin ah u dirtay Chelsea oo ku saabsan gor-gorinta Rooney

daajis.com:-Madaxa sare ee kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska, Ed Woodward ayaa u diray kooxda Chelsea warqad uu uga digayo in mar kale ay markale ay gor-goriyaan weeraryahankooda Weyne Rooney.

Jariiradda Mirror ayaa sheegtay in Woodward uu si gaar ah ugu diray maal-qabeenka Chelsea iskaleh Roman Abromovic warqadda oo uga codsanaayo in aysan mar kale soo dalban Rooney, isla markaana ay joojiso Chelsea ka hadlidda Rooney ee warbaahinta.

Maal-qabeennada leh kooxda Man Utd ee reer Glazer ayaa ku taageeray Woodward go’aanka ah in aan Rooney la iibin xilligan.
Horey,kooxda Old Trafford ku ciyaarta ayaa kusoo celisay Chelsea laba dalab oo ay ku doonayeen 27 jirkaan qaranka Ingiriiska ka tirsan.
Woodward ayaa sheegay in Man Utd marnaba aysan ka fikirin iibinta weeraryahankeeda wuxuuna ka rajeeyay Chelsea in aysan mar kale gor-gorin si ay u dhammaato hadal-heynta ciyaaryahanka ee suuuqa.
Macallinka Chelsea, Jose Mourinho ayaa ka fikiraya in mar seddexaad ay gor-goriyaan Rooney, isagoo qorsheynaya in Man Utd u diro dalab 40 milyan oo Gini ah kulanka Isniinta labada koox dhex mari doona kadib.
Jose oo hadlay kadib guushii kooxda Aston Villa ee Arbacadii lasoo dhaafay, ayaa sheegay in laga soo diiday laba dalab mid seddexaadna ay qorsheynayaan.
Weyne Rooney ayaa lala xiriirinayay in uu ka tagayo Man Utd xagaagan oo dhan, isagoo wali aanan si cad uga hadlin mustaqbalkiisa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada