Liverpool oo ka cabsaneysa in Real Madrid gor-goriso Suarez hadii Benzema laga iibsado

Liverpool oo ka cabsaneysa in Real Madrid gor-goriso Suarez hadii Benzema laga iibsado

daajis.com:-Kooxda Liverpool ayaa diidday in Arsenal ay ka iibiso weeraryahankeeda doonaya in uu baxo ee Luis Suarez, taas oo keentay in Arsenal u jaheysato weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema.

Liverpool ayaa hadda ka cabsaneysa in arinta Suarez ay soo laba kacleyso hadii Real Madrid ay weyso Benzema.
Madrid ayaa horey loola xiriirinayay Suarez isagoo billowgii xilli-ciyaareedkan sheegay in uu aad u jeclaan lahaa in uu u ciyaaro kooxda caasimadda Spain ka dhisan.

Los Blancos ayaa u baahnaan doonta weeraryahan buuxa hadii uu ka tago Benzema iyadoo laga yaabo in ay bartilmaameedsato Suarez oo loo diiday in laga iibiyo Arsenal.
Macallinka Liverpool, Brendan Rodgers ayaa sheegay in ay ku adkaan doonto in 11 maalin oo ka dhimman suuqa ay buuxiyaan booska Suarez, sidaas darteedna ay kooxdu ku adkeysaneyso in aysan iibin weeraryahankeeda sare.
“Maalmo adag ayaa ka dhimman suuqa wax kastana waa dhici karaan, balse waxaan sameyneynaa sidii aan sameynay inta suuqa furnaa” ayuu yiri Rodgers oo ka adkeysanaya in aysan kooxda iibineyn Suarez.
Suarez ayaanan wali si cad u sheegin in uu doonayo in uu kooxda sii joogo, inkastoo la sheegay in la xalliyay khilaafkii kala dhaxeeyay macallinkiisa.
Arsenal ayaa si cad u sheegtay in ay ka baxday tartanki ay ugu jirtay Suarez, iyadoo u weecatay xiddigga reer France ee Benzema.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada