Taageerayaasha Ikraan Caraale iyo Xaawo kiin oo Su’aal ka keenay sawirka u muuqda xurguf dagaal + Daawo

Taageerayaasha Ikraan Caraale iyo Xaawo kiin oo Su’aal ka keenay sawirka u muuqda xurguf dagaal + Daawo

daajis.com:-Sawirka Xaawo kiin iyo Ikraan Caraale oo si la yaab leh isku kuurayo ayaa dareen ku dhaliyey taageerayaasha labada fanaan.



Sawirka labada hablood ee fanaaniinta Xaawo kiin iyo Ikraan Caraale ayaa si qaldan looga fahmay inuu u dhexeeyo xurguf dagaal amaa hariiftan qofba sida uu u yaqaano,haseyeeshee xaqiiqda sidaas waa ay ka fogtahay.

Sawirkan oo boga bulshada ee  facebookga lagu soo bandhigay ayaa calaamo su'aal dul dhigaya xurgufta ka dhexeyn karta labadaan fanaan.

Sawirkaan oo ah mid la qabtay barnaamijkii Ciida ee Tvga SLNTV oo ka wadaqeybgaleen fanaaniintan iyo kuwo kale oo caan ah, waxaana sawirkan laga soo qabtay xilli ay xaawo kiin iyo Faarax Murtiile qaadayeen heestooda Xabiibi,halka Ikraan Caraale oo dhinac fadhiday Xaawo kiina ay madaxa u lululeyso heesta.

Su'aalaha ugu badan ee dadka ay isweydiinayaan ayaa noqday sababta hariiftanka iyo waxa ka dhexeyn kara labadaan fanaan,inta la ogyahay waa gabdho aanu ka dhexeyn tartan faneed,waayo mid walbo waxey leedahay hab u gaar ah oo ay u heesto iyo style u qaas ah lebiskeedu ku saleysan yahay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada