Justin Bieber oo diyaar u ah aabenimo

Justin Bieber oo diyaar u ah aabenimo

daajis.com:-Xidiga caanka ah ee 19 jirka Justin Bieber ayaa doonaayo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan inuu guursado oo uu dhalo carruur.
 
Justin Bieber ayaa sheegay hamigiisa ku aadan inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku guursado oo uu helo carruur.

Wuxuu qiray in hamigiisa mustaqbalka ugu weyn inuu yahay inuu guursado oo uu carruur dhalo Ma sugi karo intaan ka helaayo xaas qurux badan iyo carruur yar yar oo dhincaheyga joogaan,laakin arimahaan waa kuwa ku jira gacanta Alle ,islamarkaana aan aheyn kuwa gacantiisa ku jira sida uu usheegay Touch Magazine.

Justin Bieber ayaa la dhinaca kale la sheegay inuu aad ugu raaxeysto noloshiisa doobnimo, Ma doonayo inaan been ka sheego aad ayey u wanaagsan tahay in lagu jeclaado oo aad wax jeclaato dhalinyaronimada.

Wuxuu sheegay inuu ka soo bartay hooyadiis sida uu noqdo nin aqyaar ah iyo sida loola macaamilo gabdhaha, waan jeclahay inaan gabar timaha u hagaajiyo,macnaha qof walbo waa mudan yahay inuu dareemo inuu yahay qof aduunka qaas ka ah ayuu yiri.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada