Sherine Cabdelwahab oo carruurteeda kala carartay dalka Masar

Sherine Cabdelwahab oo carruurteeda kala carartay dalka Masar

daajis.com:-Fanaanada Caanka ah ee Sherine Cabdel wahab ayaa kala soo carartay labadeeda gabdhood Mariam iyo Hana qalalaasaha iyo deganaansha la'aanta ka jirta dalka Masar.

Fanaanada ayaa ku dhawaaqday in carruurteeda ula qaxday magaalada Tatwan ee dalka Morocco,si ay masiibad halkaasi ka taagan uga badbaadiso ilmaheeda.


Xaalada ayaa aad u cakirantay kadibmarkii todobaadkii hore atariishada Suwaidan walaalkeed Ahmed Musa la toogtay.

Sherine ayaa horey waxaa ugu qorsheysnaa in magaalada Tatwan ay ku qabato xaflad dabaaldega codka haweenka oo bishan 24keeda ka dhaceysa dalka Morocco,waxaaney fursad wanaagsan u aragtay in ay gabdhaheeda kala soo cararto xaalada cakiran ee masar

Dad badan ayaa ku dhiirigeliyey Sherine iney baajiso xaflada ay ku qabaneyso dalka Morocco,si ay u taageerto shacabka Masar oo xaalad adag ku jira waqtigaan,lamana oga iney taladaas qaadan doonto iyo in kale.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada