Xasan Dahir Aweys oo wada tashiyo la leh xubno kala duwan (Warbixin)

Xasan Dahir Aweys oo wada tashiyo la leh xubno kala duwan (Warbixin)

daajis.com:-Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay wada tashiyo la yeelanayay dhinacyo kala duwan oo isugu jiray, xubno ka soo jeeday Beeshiisa, Culumaa'udiin, Saraakiil iyo taageerayaashiisa.


Wada tashiyadan oo ahaa kuwo Sheekha uu u madax banaanaa ayaa ka dambeysay markii wada hadalo todobaadkan horaantiis dhacay oo ku saabsanaa sii deyntiisa iyo shuruudo dowladdo hor dhigtay ayaa ku qotomay mid uu talooyin uu ka qaadayay dhinacyada uu la tashanayay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay daajis.com ayaa sheegaya in wada tashiyadan ay qeyb ka ahaayeen culumaa'udiin caan ah oo ugu tagayay Xarunta Nabadsugida oo ah halka lagu hayo.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Sheekha uu xor u ahaa wada hadalada, isla markaana cida uu u baahdo u yeeranayay, waxaana loo sameeyay jadwalada dadka uu la kulmayo, iyadoo uu u muuqdo sida nin jooga Xafiiskiisa inuu dadka u qaabilayay.

Waxaa jiray ilaa afar xubnood oo Sheekha ka caawinayo wixii uu doono, kuwaasoo isugu jira dad qoyskiisa ah iyo xubno ka tirsan Nabadsugida oo ahaa isku xirayaal ah.

Shuruudaha horyaala Sheekh Xasan Dahir ayaa kala ah inuu cadeeyo mowqifkiisa Shabaab, inuu aqoonsan yahay dowladda Soomaaliya iyo jiritaankeeda, balse qodobkaas lagu bedelay Qaranimada Soomaaliya iyo in Siyaasada ka fariisto, laakiin qodobkaas ayaa ahaa waxyaabaha keenay in Sheekha gadaal ugu durgo, isla markaana uu goostay inuu la tashado xubaha beeshiisa ee ololaha ugu jira sii deyntiisa, taageerayaasha, Culumaa'udiin iyo Saraakiil.

Mudada Todobaadka uu qabsaday Sheekh Xasan Dahir ayaa waxaa ka dhiman labo maalmood, waxaana lagu wadaa in todobaadka soo socda ay dib u bilowdaan wada hadalada saddex geesoodka ee u dhaxeeya Xasan Dahir oo dhinac ah, dowladda iyo Gudi beeshiisa oo isugu jira odayaal, siyaasiyiin iyo saraakiil, kuwaasoo kor joogto ka ah kulanka, balse aanay wax go'aan ku laheyn qodobada.

Sheekh Xasan Dahir ayaa bartamihii bishii June Doon kaga soo baxsaday degmada Baraawe oo in muddo ah saldhig u aheyd, kadib markii iska weerar lagu qaaday isaga iyo saraakiil isbaheysi la ahaa, kuwaasoo iska hor imaad dhacay ku dhintay.

Dadka odorasa siyaasada ayaa isha ku haya Mustaqbalka Wadaadkan oo hadba go'aanka uu qaato ay ku xiran tahay mustaqbalkiisa, waxaana hadii uu aqbalo qodobada qaar laga yaabaa in dalal uu ku jiro Qadar si musaafuris ah lagu geeyo.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada