Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiil ciidan oo safar dhulka ah ku maraya qeybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiil ciidan oo safar dhulka ah ku maraya qeybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose

daajis.com:-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa safar dhulka ah ku maraya qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo ay ugu kuur galayaan xaalada ammaan ee ka jirta deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM.


Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa kula wehliya Kuxigeenkiisa, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaha ciidamada xooga dalka, Abaanduulaha ciidamada iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, kuwaasoo maanta gaaray degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay degmada Wanlaweyn kula kulmeen mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan ururada dhalinyarada iyo bahda isboortiga.

C/xakiin Fiqi oo la hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go'an tahay in meel kasta oo Al-Shabaab ka joogaan dalka ka xoreeyaan, isagoo ugu baaqay dadweynaha inay la shaqeeyaan ciidamada.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa u gudbiyay Garoonkii Balli-Doogle, halkaasoo ah xero ciidan oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Guutooyin ka tirsan ciidamada xooga dalkana ku sugan yihiin, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa caawa ku hoyanaya xeradaas.

Wanlaweyn ayaa Muqdisho waxay 100-KM kaga beegan tahay Koofur, waxaa mara wado muhiim ah oo isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaasoo dhowaan isu fureen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, inkastoo mararka qaar weeraro ka dhacaan wadada.

Deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose oo inta badan la wareegeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa qeybo ka mid ah waxaa ku sugan Al-Shabaab, iyagoo wali awood u leh inay soo weeraraan deegaanada AMISOM kaga sugan yihiin Gobolka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada