Anelka Oo U Sheegay West Brom Inuu Ciyaaraha Ka Fariistay Ka Dib Geeri Ku Timid Wakiilkiisa.

Anelka Oo U Sheegay West Brom Inuu Ciyaaraha Ka Fariistay Ka Dib Geeri Ku Timid Wakiilkiisa.

daajis.com:-Weeraryahanka kooxda West Brom Nicolas Anelka ayaa isaga dhaqaaqay tababarka kooxda isagoo ku wargeliyay shaqaalaha kooxda inuu ka fariistay ciyaaraha.


Laakiin West Brom ayaa sheegtay inuusan ciyaaryahanka ciyaaraha ka fariisan iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu si aad ah uga xumaaday geeri ku timid wakiilkiisa.
Anelka oo sidoo kale faarujiyay qolkiisa labiska ayaa West Brom ay soo saartay warbixin ay ku tiri:
“West Bromwich Albion waxa ay xaqiijineysaa in Nicolas Anelka uu maqnaanayo kulanka sabtida ee Everton.”  ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay.
“Kooxda waxa ay ay ciyaaryahanka u fasaxday arimo soo wajahay darteed.”
Anelka ayaa kooxda ku soo biiray xagaagan isagoo ka yimid kooxda reer China ee Shanghai Shenhua isagoo muddo bilooyin ah amaah ku joogay Juventus.
Waxa uu si cajiib ah u ciyaaray kulamadii saaxiibtinimo ee West Brom ay ciyaartay xagaagan.
Mana cadda ilaa iyo inta 34 jirkaan uu u baahnaan doono inuu garoomada ugu soo laabto hadiiba uu dib u bilaabayo mustaqbalkiisa ciyaareed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada