Daawo Sawirada Gurmad loo sameeyay Qoysas ay go'doomiyeen Fatahaada Wabiga Shabelle

Daawo Sawirada Gurmad loo sameeyay Qoysas ay go'doomiyeen Fatahaada Wabiga Shabelle

daajis.com:-Qaar ka tirsan ciidamada Milatariga iyo mutadawiciin ka mid ahaa ururka Bisha Cas ayaa ka qeybgalay samatabixinta qoysas ay hareereeyeen fatahaada wabiga Shabelle ee deegaanka Libiga iyo Xaanshooley.

Qoysas badan oo isugu jira beeralay iyo xoolo dhaqato ayaa waxaa ay ku waabariisteen saaka biyo ku jira dhinac walba oo ka mid ah deegaankii ay ku noolaayeen. Biyahan ayaa kuwo ka soo fatahay wabiga Shabelle gaar ahaan buqda Baareey.

Dadka ku nool tuulada Libiga oo qiyaastii in kayar 3km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar ayaa dadaal ugu jiray maalmihii la soo dhaafay sidii ay isaga celin lahaayeen biyo ka soo fatahay wabiga Shabelle. 

Hase yeeshee carro tuur ay dhigeen dadka ku nool Libiga hareeraha guryahooda ayaa waxaa ka soo jabsaday biyihii waxayna dadkii ku haray tuulada ay indhaha ku kala qaadeen biyo dhex ceegaaga afaafka guryahooda.

Qaar ka mid ah ciidamada Milatariga iyo mutadawiciin ka socotay ururka Bisha Cas laantiisa Jowhar ayaa gaaray deegaankaas kadib markii ay maqleen dhibaatada haysata qoysaska. Waxayna ka soo saareen guryahoodii haween,carruur iyo dad da’ ah oo ku xayirnaa guryahooda.

Biyaha ka fatahay deegaanka Baarey ayaa waxa ay qarka u saaran yihiin in ay galaan saldhig milatari oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka waqooyi ee magaalada Jowhar. 

Illaa iyo hadda lama oga sida ay ka yeeli doonaan ciidamada Milatariga ah ee ku sugan meel ku dhow tuulada Xaanshooley,waxayna dadka ku nool Xaanshooley ay sheegeen in biyuhu ay afka saareen xero ciidamada AMISOM ku lahaayeen halkaas. 

Illaa iyo hadda laguma guuleysan in la xiro biyaha ka fatahaya buqda Baarey hase yeeshee waxaa uu maamulka degmada Jowhar u saaray guddi ka shaqeeya sidii loo xiri lahaa buqdan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada