Xusni Mubarak oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Xusni Mubarak oo Xabsiga Laga Sii Daayay

daajis.com:-Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak ayaa laga sii daayay xabsiga, arintaas oo jahwareer kale ku sii kordhineysa xasaradaha ka taagan dalkaasi.

 
Dayuurad nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka qaaday Mr. Mubarak xabsiga Tora ee Magaalada Qaahira maanta oo Khamiis ah, isagoo loo duuliyay cusbital military oo ku yaala meel ku dhow caasimadda, halkaasoo oo uu xabsi guri ahaan ugu sii jiri doono.
 
Masuuliyiinta Cadaaladda ee Masar ayaa todobaadkan amar ku bixiyay in laga sii daayo xabsig Mr. Mubarak oo 85 sana jir ah, isla markaana xanuunsanaya.
 
Waxeyna sheegeen in aan xabsiga lagu sii heyn karin ilaa iyo inta dib loogu maxkamadeynayo eedo la xiriira gacan ku dhiiglenimo iyo musuqmaasuq, la sheegay inuu geystay muddo 30 sanadood ah oo uu dalkaasi xukumayay.
 
Mubarak ayaa kacdoon shacab xukunka looga tuuray sanadkii 2011kii.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada