Fanaanka weyn Mohammad Cabdo oo dhaleeceyn kala kulmay heestiisa cusub oo uu ciida ugu talogalay + Video

Fanaanka weyn Mohammad Cabdo oo dhaleeceyn kala kulmay heestiisa cusub oo uu ciida ugu talogalay + Video

daajis.com:-Muuqaalka heesta cusub ee uu sii daayey maalintii ugu horeysay ee ciida fanaanka weyn Mohammad Abdu ayey aad uga niyadjabeen taageerayaashiisa,kuwaas oo ku tilmaamay lebiska fanaanka uu xertay iyo ciyaartaba iney tahay mid  aanan u qalmin da'diisa,islamarkaana ay qaab reer galbeedka u duufsan tahay.


Heestaan oo lagu magacaabo Wahda Be Wahda ayaa waxaa agaasimay soo saare Kuwaiti ah oo lagu magacaabo Yacquub Al Muhanna..

Dad badan ayaa ku tilmaamay Mohammad Abdu inuu aad ugu qaldamay inuu ku raaco in sidaan loo sameeyo muuqaalka heesta,sababtoo ah ayaa la yiri waxaa aad uga haboon heesaa dhalinyaro ah,laakin shaqsi leh heybadiisa oo kale aanan u qalmin.

Taageerayaasha ayaad aad u dhaleeceeyey ereyada iyo laxan,xitaa qaabka loo duubay heesta waxaaney ka bixiyeen fikrado niyadjab ah.

Dhaleeceeynta keliya kama aysan imaan taageerayaasha keliya,xitaa waxaa arintaan siyaabo kale duwan uga hadlay shaqsiyaad u dhuun daloola fanka iyo taariikhda baaxa leh ee fanaanku ku leeyahay fanka carabta.

Fahad Zaidan oo ah tifaftiraha Almadinah daily ayaa sheegay in Mohammad Abdu uu ugayaabsaday qofwalba muuqaalkan oo aanan ku wanaagsaneyn maqaamkiisa. Wuxuu yiri wuxuu sameeyey qalad weyn,wuxuuna ku cayaaray sumcadiisa. 

Waxuuna usoo jeediyey inuu ilaashada sharaftiisa.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada