Tamer Hosny oo dhiig ku deeqay dhawacyada dadka reer Masar

Tamer Hosny oo dhiig ku deeqay dhawacyada dadka reer Masar

daajis.com:-Fanaanka Masarida caanka ah ee Tamer Hosny ayaa ku deeqay dhiig tabarucaad ah kadibmarkii ay gubatay bangigii dhiiga ee dalkaasi, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa iney iyagana ku deeqaan dhiigooda.

Xidigan Masarida ah ayaa sheegay inuu noqonaayo qofka ugu horeeya ee bixiya dhiig tabarucaad ah si uu ugu caawiyo si degdeg ah kuwa u baahan,wuxuuna ka dalbaday dhamaan taageerayaashiisa iney raacaan talaabadaasi.


Ma'ahan markii ugu horeysay ee Tamer uu bixiyo dhiig tabarucaad ah, waxaana la sheegay in heesaagi uu aad u jecel yahay wadankiisa,islamarkaana wuxuu balanqaaday inuu sameynaayo waxwalbo oo uu ku badbaadin karo naf.

Tamer Hosny ayaa xafladiisii soo laabashada ee la filaayey iney ka dhacdo port Marina la bajiyey sababo la xiriira bandowga iyo qalalaasaha wadanka ka taagan darteed, waxaana uu masraxa fanka ka maqnaa mudo laba sano ah.

Baajinta xaflada fanaanka ayaa aaminsan in xilligaan aaney dadka Masarida diyaar u aheyn iney xaflado heeso ah ka qeybgalaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada