Real Madrid Oo Lagu Waramay In Ay Doonayaan In Ay Hishiiska U Kordhinayaan Karim Benzema.

Real Madrid Oo Lagu Waramay In Ay Doonayaan In Ay Hishiiska U Kordhinayaan Karim Benzema.

daajis.com:-Wargeyska AS ee Spain ka soo baxa ayaa qoraya in kooxda Real Madrid ay ka firayaan in ay hishiiska u kordhiyaan Karim Benzema xilli midkiisa haatan uu dhamaanayo xagaaga 2015-ka .

Karim Benzema ayaa bartilmaameed u noqday haatan kooxo ka dhisan Ingiriiska iyo Talyaaniga , waxaana la xusayaa in Real haatan wadahadalo la bilaabeen wakiilka Karim Benzema.
Isla wargeyskaan ayaa sheegaya in inkastoo Karim Benzema lagu oriyay kulankii Real Madrid iyo Real Betis hadana taasi saameyn ku yeelaneyn rabitaanka laacibka ee ah in Real uu sii joogo.
Sidaas oo ay tahay lama helin xog ku aadan mudada ay dooneyso Real in ay ku kordhiyaan hishiiska Karim Benzema.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada