Sarkaal ka tirsan Shabaab oo sheegay inay joojiyeen Garbaashkii ay shacabka ku hayeen

Sarkaal ka tirsan Shabaab oo sheegay inay joojiyeen Garbaashkii ay shacabka ku hayeen

daajis.com:-Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay joojiyeen garbaashkii ama ushii ay ku hayeen shacabka, isla markaana ay goosteen inay dadka diinta baraan.


Mr Shongole oo Gobolka Shabellaha Hoose kula kulmay odayaal iyo waxgarad ayaa sheegay in Usha aan waxba lagu helin karin, iska dhaaf bani'aadam uu xitaa ku diidayo xaywaanka sida uu yiri.

"Waxaa goosanay umadeena diinta inaan barno, waxaa ogaanay Ul inaan waxba lagu heli karin, Lo'dii iyo dibigii ayaaba ku diidaya, bani'aadam maxaa u maleysaa hadii Ul lagu dhifto, ayaantan cusbeyn ayaa Ul bilownay, hada waa iska dhaafnay, hada waxaa waaye kitaabka alle iyo sunada ayaa dadka bareynaa, iyagaaba hadhow naga hormaraya"ayuu yiri Sheekh Fu'aad Shongole.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay shacabka inay Xaq iyo Diinta Islaamka ay ku kaalmeeyaan, si ay uga wada hortagaan cadawga.

Mar uu soo hadal qaaday malaayiinta doolar ee madaxiisa la saaray cidii keenta ayuu sheegay in maalin un ay rajeynayaan in calanka Towxiidka inay ka taagaan caasimada Mareykanka ee Washington.

"Aniga aad ii jeedaan ee maskiinka ah Mareykan oo dhan i raadinaya shan milyan ayaa ugu qoranahay, obama anigana 10-neef ku qoray, taas waxaa ku gaarnay natiijada islaamka, Gaallo waa jabtay,ninkii nool oo alle cimrigiisa siiyay washington oo calanka towxiidka ka bananay"ayuu yiri Sheekh Fu'aad.

Garbaasha ama Usha ayaa ahaa mid ka mid ah waxyaabaha ay caadada u lahaayeen Shabaab, iyadoo wadooyinka lagu arki jiray dhalinyaro garbaashaya rag iyo dumar.

Sheekh Fu'aad Shongole ayaa maalintii Ciidul Fidriga ka soo muuqday fagaare ku yaal degmada Baraawe oo salaadii Ciida lagu tukanayay, tan iyo markii Mareykanka uu soo saaray liiska Hogaamiyeyaasha Shabaab ee madaxooda uu dul dhigay malaayiin doolar cidii soo sheegta.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada