Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay la kulmay Ergada dowladda iyo Maamulka Kismaayo ee ku sugan Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay la kulmay Ergada dowladda iyo Maamulka Kismaayo ee ku sugan Addis Ababa

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Ergada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Kismaayo uga qeyb galaya wada hadalada ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulanka casha sharafta ayaa aheyd mid is arag iyo is wareysi, iyadoo hadal uu ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay Ergada inay ka mira dhaliyaan wada hadalada, isla markaana ay sameeyaan isu tanaasul.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Addis Ababa Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka codsaday labada dhinac inay gaaraan is afgarad, isla markaana natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan wada hadalada.

Wada hadalada ka socda Addis Ababa ayaa waxaa kala hogaaminaya Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe oo ah Hogaamiyaha Raaskambooni oo dhowaan Kismaayo loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jubaland, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay.

Muranka ku saabsan maamulka Jubaland ayaa ahaa mid bilihii la soo dhaafay soo jiitamayay, iyadoo dagaalo dad badan ku dhinteen ay ka dhaceen magaalada Kismaayo, kaasoo xiisada siyaasadeed ee Gobolka sii xoojiyay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada