Eng. Yariisow "Cali Khaliif Galeyr waa inuu keenaa cadeymaha hadalada uu ku hadlay ama raali gelin ka bixiyaa"

Eng. Yariisow "Cali Khaliif Galeyr waa inuu keenaa cadeymaha hadalada uu ku hadlay ama raali gelin ka bixiyaa"

daajis.com:-La taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr, kaasoo ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Al-Shabaab ay leeyihiin gacan saar ku aadan xaalada Jubooyinka.


War uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Eng. Yariisow waxaa uu ugu baaqay Dr. Cali Khaliif Galeyr inuu keeno cadeymaha hadalada uu ku hadlo ama uu raali gelin ka bixiyo.

"Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr waa inuu keenaa caddeymaha haddalada uu ku hadlay ama uu ka bixiyaa raalli-gelin, Waa eedeyn weyn oo uu u gafayo mas'uuliyiinta Soomaaliyeed"ayuu yiri Eng. Yariisow.

Eng. Yariisow ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta qaarkood ee dowladda mucaaradsan inay rabaan fowdo, kala dambeyn iyo dowlad la'aan.

"Waa nasiib darro in siyaasiyiinta qaarkood ay rabaan fowdo, kala danbeyn la'aan iyo dowlad la'aan, Siyaasiga dhabta ah ee Soomaaliga ah waa kan ka shaqeeya horumarka, waa kan oggollaada in doorashooyinka looga adkaaday ee ka howlgala sidii dalkan loo gaarsiin lahaa horumar oo ay iyagaba dan ugu jirto"ayuu yiri Eng. Yariisow.

"Shacabka iyo Dowladduba waxey sugayaan in si dhab ah loo wada xisaabtamo, dhaliilahana ay noqdaan kuwo wax toosinaya oo abaaraya horumarka"ayuu ku yiri Afhayeenka Madaxtooyada barta qoraalka uu soo dhigay barta Facebook.

Warbaahinta maxaliga ee Muqdisho ayaa wararkoodii maanta ee ka baxay ahaa hadal ka soo yeeray Cali Khaliif Galeyr oo isagoo ku sugan Mareykanka wareysi muuqaal uu bixiyay ku sheegay in Madaxweynaha iyo Al-Shabaab ay xiriir ka leeyihiin arrimaha ka jira Jubooyinka, ayna jiraan mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo Shabaab taleefano kula hadlay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada