Soldado Oo Shabaqa Soo Taabtay Kulankiisii Ugu Horeysay Premier League Xilli Spurs Ay Garaacday Crystal Palace.

Soldado Oo Shabaqa Soo Taabtay Kulankiisii Ugu Horeysay Premier League Xilli Spurs Ay Garaacday Crystal Palace.

daajis.com:-Xiddiga ugu qaalisan taariikhada Tottenham Roberto Soldado ayaa shabaqa soo taabtay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League, iyagoo 1-0 ku garaacay kooxda u soo dalacday Premier League Crystal Palace ciyaar ka dhacday Selhurst Park.

Weeraryahanka reer Spain ayaa heshiis 26 milyan ginni xagaagan uga soo wareegay Valencia, waxaana uu si deganaan ah shabaqa u dhigay gool rigoore ahaa daqiiqadii 50aad ee ciyaarta ka dib markii Dean Moxey uu gacanta ku taabtay karoos uu soo dhigay Aaron Lennon.
Tottenham ayaa sidoo kale siiyay Paulinho iyo Nacer Chadli kulankoodii ugu horeeyay ee buuxa ee Premier League halka Etienne Capoue uu bedel ku soo galay ciyaarta iyadoo Spurs ay soo bandhigtay tayo qiimaheeda yahay 59 milyan ginni.
Waxa ay heysteen kubada inta badan ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibtoodeen inay abuuraan fursado badan iyadoo uu ka maqan yahay ciyaaryahanka ka dhaawacan islamarkaana diirada u saaran Real Madrid Gareth Bale.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada