Hogaamiyaha Ikhwaanka Masar oo la Xiray

Hogaamiyaha Ikhwaanka Masar oo la Xiray

daajis.com:-Masuuliyiinta dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay hogaamiyaha ruuxiga ee ururka Ikhwaanul Muslimiinta Masar, Maxamed Badiic,Taasoo qeyb ka ah howlgalka ciidamada Amaanka ee Masar ay kaga soo horjeedaan taageerayaasha madaxweynihii xukunka xoogga looga tuuray ee Masar, Maxamed Morsi
 
Mr. Badiic oo 70 sana jir ah ayaa xabsiga la dhigay gelinkii hore ee maanta oo talaada ah, isagoo laga soo qabtay Bariga Magaalada Qaahira, halkaasoo muddo todobaadyo ah taageerayaasha Morsi ay ka dhigayeen dibad baxyo ay uga soo horjeedaan dowladda KMG ah iyo Miltariga.
 
Mr. Badiic ayaa lagu wadaa in dacwad lagu qaado 25ka bishan August, isagoo ay wehliyaan hogaamiyeyaal kale oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinta.
 
Masuuliyiinta dalka Masar ayaa ku eedeynaya madaxda Ikhwaanka inay kiciyeen gacan ka hadal dhimasho dhaliyay oo ka dhacay dibadda xarunta ururka bishii June, maalmo ka hor inta aanu Milatarigu xoogga awoodda kaga tuurin Morsi.
 
Ilaa iyo 3dii bishii July, tirada rasmiga ah ee ku dhimatay rabshadaha ka socda guud ahaan dalka Masar ayaa gaartay kun qof, laakiin Ikhwaanul Muslimiinku waxey leeyihiin tiradu intaasi wey ka badantahay.  
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada