Daawo Sawirada Wafdigii Qaramada Midoobey ee maanta gaaray magaalada Jowhar

Daawo Sawirada Wafdigii Qaramada Midoobey ee maanta gaaray magaalada Jowhar

daajis.com:-Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo uu hogaaminayay u qeybsamaha deeqaha bani'aadanimo ee Qaramada Midoobey Philip Lazarani ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, kaasoo ah mas'uulkii ugu sareeyay Hey'adaha Qaramada Midoobey oo muddo shan sano booqda magaaladaas.

Diyaarad kuwa qumaatiga u kacda ee Helicopter ayay saaka barqadii ku gaareen magaalada Jowhar, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, wadooyin ka mid ah kuwa laga soo galo magaaladana la xiray.

Philip Lazarani iyo xubnaha la socda oo ka mid ahaa hey'adaha qaramada midoobey waxay kormeer ku tageen goob wabiga Shabelle uu fatahaad ka geystay, isla markaana jaray wadada isku xirta Jowhar iyo gobolada Dhexe.

Kulan ka dhacay xarunta xiriirka shaqaalaha ayaa looga hadlay xaalada gobolka, waxayna wafdiga la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jowhar, sida Odayaasha dhaqanka, Haweenka iyo Mas'uuliyiinta maamulka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ugu baaqay hey'adaha inay ka qeyb qaataan howlaha sama fal ee gobolka oo uu xusay in baahiyo dhinaca bani'aadanimo ka jirto.

Sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka iyo haweenka ayaa waxay ka codsadeen Qaramada Midoobey in dib loo furo xafiiskii Qaramada Midoobey ee Jowhar.

Dadkii ka hadlay kulankan ayaa waxa ay sheegeen in ay jirto baahi faro badan oo ka jirta gobolka sida fatahaadaha,waxbarashada,caafimaadka iyo horumarka guud. Waa kuwan qaar kamid ah dadkii u hadlayay bulshada ku dhaqan gobolka Sh/Dhexe.

Ugu dambeyn wafdigan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo ay saakay ka soo kicitimeen, waxaana intii ay ku sugnaayeen Jowhar ammaanka uu ahaa mid aad loo adkeeyay, ciidamo fara badana lagu soo daadiyay xaafadaha.

Yaad ka taqaanaa dadka kasoo qeyb kaley iyo kuwa lasocdey wafdigaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada