RASMI: Liverpool Oo La Soo Wareegtay Aly Cissokho.

RASMI: Liverpool Oo La Soo Wareegtay Aly Cissokho.

daajis.com:-Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa daafaca bidix Aly Cissokho oo heshiis amaah hal sanno ah uga soo qaateen kooxda Valencia.



25 jirkaan ayaa maray maanta tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiis uu xilli ciyaareedkan ku qaadanayo Anfiled.
Waxaa la isla dhexmarayay in Liverpool doorasho loo siin doono inay si joogta ah u iibsato heshiiskiisa amaahda ka dib, laakiin taasi ma aysan ku xaqiijin warbixintii ay soo dhigeen website-kooda.
Cissokho ayaa noqonaya ciyaaryahankii shanaad ee Brendan Rogders uu la soo wareego xagaagan ka dib markii uu soo xerogeliyay Iago Aspas, Luis Alberto, Simon Mignolet iyo Kolo Toure.
Daafacan reer France balse asalkiisa Senegal ka soo jeeda ayaa khibrad ku filan leh isagoo Champions League u soo ciyaaray kooxaha Porto, Lyon iyo Valencia.
Waxaana uu hal kulan u saftay xulka qaranka France, isagoo Liverpool u xiran doona maaliyada No 20.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada