Man United Oo Awoodeeda Isagu Geyneysa Soo Xerogelinta Herrera Iyo De Rossi.

Man United Oo Awoodeeda Isagu Geyneysa Soo Xerogelinta Herrera Iyo De Rossi.

daajis.com:-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay awoodeeda isagu geyneyso sidii ay ku soo xerogelin lahaayeen kubadsameeyaha kooxda Athletic Bilabo Herrera iyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda AS Roma Daniele De Rossi.

Jariirada Ingariiska ka soo baxda ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka Premier League inay sarre u qaadi doonto dalabkeeda Herrera iyagoo isku dayaya inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Athletic Bilabao oo gaareysa 30.7 milyan ginni oo u dhiganta 36 milyan euro.


Madaxweynaha Athletic Bilaboa ayaa shalayto sheegay inay dalab 30 milyan euro ah ka soo diideen kooxda Manchester United, islamarkaana aysan dhageysan doonin dalab ka yar lacagta qandaraaskiisa lagu burburin karo ee 36 milyan euro.


United ayaa sidoo kale dooneysa inay 10.2 milyan ginni ama 15 milyan euro ku dalbato xiddiga khadka dhexe ee kooxda AS Roma Danielle De Rossi.


Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa horaantii isbuucaan laga soo diiday dalabyo ay labada ciyaaryahan ka gudbiyeen, laakiin wargeyska Telegraph ayaa sheegaya: 

“Waxaa jirta kalsooni ka imaaneysa Old Trafford oo ku saabsan in heshiisyada la soo gabagabeyn doono ka hor habeenka isniinta.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada