Qorshaha Duulaanka Mareykanka ee Syria

Qorshaha Duulaanka Mareykanka ee Syria

daajis.com:-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in uusan go’aankii ugu dambeeyay ka gaarin, jawaabta uu mareykanka ka bixinayo weerar la aaminsanyahay in hubka Kiimikada loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Syria 21kii bishan, laakiin waxa uu leeyahay waxa uu ka fiirsanayaa talaab military oo xadiddan oo uu Mareykanku qaado.

 
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay Jimcihii shalay, wax yar ka dib markii xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu isna sheegay in bahda sirdoonka Mareykanka ay kalsoonu ku qabaan wararka la xiriira in Dowladda Syria ay fulisay weerarka dhacay todobaadkii la soo dhaafay.
 
Kerry waxa uu leeyahay daliisha ay muujineyso in in ka badan 1,400 oo dad reer Syria ah lagu dilay weerarka oo ka dhacay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Dimishiq, kuwaa oo ay ku jireen ugu yaraan 426 caruur ah.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Chuck Hagel ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono inuu baadi doono isbaheysi caalami ah oo uu u helo jawaab military oo laga bixiyo hubka kiimikada ee la tuhunsanyahay in la adeegsaday Syria, inkastoo arintaasi ay ka soo horjeesteen mudanayaasha Baarlamanka Britain.
 
Mr. Hagel ayaa wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Manila ee xarunta dalka Philipines Jimcihii shalay, ka dib markii Aqalka hoose ee baarlamanka Britian uu diiday qorshe la soo hor dhigay oo looga dalbanayay in Britain ay kaalin ka qaadato duulaanka military ee ka dhanka ah Syria.
 
Diidmada Baarlamanka Britain ayaa dib u dhac ku ah Ra’isul Wasaare David Cameron, oo u sheegay mudanayaasha in jawaab military ay jawaab u tahay dambiyo dagaal, ee aysan ka dhigneyn in lagu afgambinayo Dowladda Syria.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada