Daawo Sawirada Ciidamada Ahlusuna oo lagu biiriyay ciidamada dowladda iyo Xerada 21aad oo la furay

Daawo Sawirada Ciidamada Ahlusuna oo lagu biiriyay ciidamada dowladda iyo Xerada 21aad oo la furay

daajis.com:-Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay Xerada Ciidamada Xoogga dalka ee 21-aad ee Magaalada dhuusa-mareeb ayaa Gelinkii dambe ee Maanta lagu qabtay Dhismaha xaruntaas oo ku taalla magaalada dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha saddexda Gole ee Ahlusunna Waljamaacad Sh.Ibraahim Sh.Xasan Guureeye, waxa uuna xusay in maanta wixii ka dambeeya Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay ku biireen Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay ka qeybqaadan doonaan hirgelinta Nidaamka Dowladnimo ee Gobollada Dhexe ee dalka.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka General c/risaaq Khaliif Cilmi oo maanta ka hadlay Munaasabadda ayaa ugu horreyn waxa uu salaam sharaf uu ka siday madaxda Qaranka Somalia guddoonsiiyay Ciidamada Ahlusunna ee maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia,isagoo ballanqaadey in Taliska Xoogga dalka uu dammaannad qaadayo bixinta Xuquuqda ay leeyihiin Ciidamada Ahlusunna ee maanta la midoobay Xoogga dalka, waxa uu intaasi sii raaciyay abaanduuluhu in Labo neef oo Geel ah loo qalayo Ciidamada Ahlusunna ee kamid noqonaya Xoogga dalka.

Generaalku waxa uu tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay Ciidamada lagu xareynayo Xerada ay kala mid noqonayaan Ciidanka Xoogga dalka dhinacyada Xanaaneynta,Qalabeynta,Taakuleynta,Xuquuqda iyo waajib siinta Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somalia.

Generaal C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Xoogga dalka Somalia ayaa maanta munaasabadda ka xusay in Ciidamada lagu xareynayo Xerada 21-aad loogu magac daray ( Cali Boobaaye 2- ) magacaas oo ah Ciidamadii ugu horreeyay ee lagu aas-aasay Xoogga dalka ,isagoo farta ku fiiqay in Dowladda Soomaaliya ay dib u dhiseyso Xeradan islamarkaana tababar dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa loogu qaadi doono Ciidamada Ahlu-sunna ee ay qarameynayso Dowladda Soomaaliya si ay u helaan Xuquuq lamid ah kuwa Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia.

Saraakiisha Ahlusunna ayaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ku wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan oo loogu talagalay in lagu daro Ciidanka Xoogga dalka si loo qalabeeyo.

Dib u furitaanka Xeradan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya la gashay Maamulka Ahlu-sunna waljamaaca Bishii March 2013,waxaana ay noqonaysa Xero laga maamulo Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobollada Dhexe gaar ahaa Mudug ,Galgaduud iyo Hiiraan,iyadoo Talis cusub loo soo magacaabay Xeradan oo aan shaqeynayn muddo ka badan 20 Sano.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada