Shan nin oo Kufsi Wadareed u geestay gabar saxafiyad ah iyo Booliska oo baadi goob ugu jira Ragaasi

Shan nin oo Kufsi Wadareed u geestay gabar saxafiyad ah iyo Booliska oo baadi goob ugu jira Ragaasi

daajis.com:-Booliska wadanka India ayaa sheegay maanlintii jimcaha aheyd in gabar saxafiyad sawir qaada ah oo da’deda lagu qiyaasay 20-sano jir ay la kulantay fal kufsi wadareed ah oo loogu geestay magaalada Mombai ee wadanka India.

falkan kufsiga ayaa shacabka India soo xusuusiyay fal noocani lamid ah oo bishii December sanadii tagtay ka dhacay magaalada New Delhi ee caasimada wadankasi waxana ay sababtay dibad baxyo careysan oo wadankasi ka dhacay iyo in dib loogu laabto sharciga wadankasi kayaala la dagalanka kufsiga.

Sawirkaan waa shanta nin ee Kufsiga geystay sida Booliska sheegeen Kufsi wadaredkasi ayaa waxa uu dhacey habeenki Khamista aheyd waxana uu caro galiyay warbixintasi oo lasoo dhigay baraha bulshada kuwada xiriraan dadkii aqristayaasha ahaa ee warbixinta aqriyay,qaar kamid ah dadkasi ayaa gariir ka qaaday in falkasi uu ka dhaco Mombai oo lagu tiro meelaha ugu amniga badan marka dumarka loo eego.

Booliska waxa ay sheegen in gabadhaasi loo qaaday cisbitaalku yaala konfurta magalada Mombai si xaaladeeda caafimaad wax looga qabto.
Sarkaal ka tirsan Booliska oo kufsigaan loo xilsaray ayaa wakaalada Wararka Reuters u sheegay in ilaa iyo hada aan hal qof loo soo qabin falkasi balse ay baadi goob xoogan wadaan.

Gabadha sawirqaadaha aheyd waxa la socda wil ay isla howgalayeen xili ay sawiro a ay ka qadanayeen warshad mar hore howshodi joojisay ee magaalada mombai kutaala,laba qof oo rag ah ayaa utimid waxa ay iska dhigeen kuwo wax ka weydinaya sawirada ay qadanayan midkalo sedaxaad ayaa gobta ku soo biray kadibna waxa ay kula kaceen kufsi wadared.

Rag kale ayay booliska sheegen in falkasi ay ka qeyb qaaten,ilaa iyo 10-qof oo loo soo qabtay falkasi ayaa waxaa ku socota su'aalo weydiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada