Maxaad kala Socotaa Xiliyada Xubnaha Baarlamaanka Somalia loo Furo Albaabada Madaxtooyada iyo Xiliyada laga xirto!

Maxaad kala Socotaa Xiliyada Xubnaha Baarlamaanka Somalia loo Furo Albaabada Madaxtooyada iyo Xiliyada laga xirto!

daajis.com:-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo mara labo xili marka laga hadlayo sida looga ixtiraamo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, labadaasi Xili ayaana kala ah mar Xildhibaanada Madaxtooyada laga jecel yahay oo laga soo dhaweeyo iyo mar Albaabada laga xirto laguna dhageesto.


Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa Albaabada Madaxtooyada u balaqa Xildhibaanada Soomaalkiya xiliyada ay jiraan Mooshino halis ah iyo xiliyada la doonayo in Baarlamaanka la marsiiyo Wasiiro la magacaabay iyo ajandayaal kale oo kulul.

Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad uga qeyliyay Xarunta Madaxtooyada waxa ayna xuseen in aan laga tixgalin xaruntaasi marka aysan jirin Mooshino iyo arimo xasaasi ah laguna rafaadiyo in ay gudaha u galaan Madaxtooyada iskaba daayee in ay la kulmaan Madaxda sare ee Dalka.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo Magaciisa diiday in aan soo xigano ayaa sheegay in Madaxtooyada aad loogu sharfo si aan caadi aheyna loogu soo dhaweeyo looguna maamuuso marka ay jiraan Mooshino Madaxda Dowlada dan ugu jiro iyo marka ay halis kala kulmaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanahan ayaa sidoo kale sheegay in xushmada iyo ixtiraamka loo hayo uu soo dhamaado marka laga fushado arimaha ay doonayaan Madaxda Sare ee Dalka taa oo keenta in aan Xildhibaanada aan looga baahan Xarunta Madxatooyada aadna loogu adkeeyo in ay gudaha usoo galaan ama la kulmaan madaxda sare ee Dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan isku diyaarinaya in ay ka faa’iideestaan Madaxtooyada marka albaabadeeda loo balaqo iyadoona Xubno Xildhbaano ah noo sheegeen in dhawaan rajeenayaan in albaabka madaxtooyada uu furmo marka lasoo dhiso Xukuumada Cusub oo la doonayo in Xildhibaanada laga dhaadhiciyo si ay u ansxiyaan Xukuumada Cusub.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la xasuustaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya albaabadooda loo furayay dhoor mar ay ugu horeesay markii lasoo Magacabay R/Wasaare Sacaid iyo Markii la horgeenayay Golaha Wsaiirada Xukuumada Soomaaliya iyo markii ugu dambeysay oo aheed markii Xildhbaano badan ay isku uruursadeen sidii ay uridi lahaayeen Xukuumada.

Waxii xiligaasi ka dambeeyay ayaa waxaa soo xirmay albaabada Madxatooyada waana tan dhalisay in Xildhibaano badan ay marar kala duwan ka qeyliyaan in six un loola dhaqmo marka ay Madaxtooyada damcaan din ay kasoo fushadaan danahooda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada