Dhacdo Argagax iyo Naxtin Badan Nuuceedana aan horey loo arag oo Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho

Dhacdo Argagax iyo Naxtin Badan Nuuceedana aan horey loo arag oo Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa Maanta Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir ka dhacday dhado dad badan la yaabeen murugo badana ku abuurtay kadib markii Hooyo Soomaaliyeed gabar yar ay dhashay ay ku gowracday Halkaasi.

Hooyadan Gabadheeda yar Gowracday ayaa la sheegay in madaxa looga jiray waxaana la tilmaamay in maanta gudaha gurigeeda laga helay gabar yar ay dhashay ay qoorta ka jartay maalmo kahor kuna keedsatay gurigeeda.

Dadka dariska la ah Hwaeeneedan ayaa sheegay in ay shakiyeen kadib markii ay arkeen ur ay u garteen in uu meyd yahay ,waxa ayna arkeen marka gudaha u galeen guriga ay ka shakiyeen meydka gabar yar oo qoorta ay ka jartay Hooyada dhashay.

Mid kamid ah Haweenka dariska la ahaa hooyadan madaxa looga jiray kuna baxday guriga falkan uu ka dhacay ayaa sheegtay in markii ay arkeen Meydka gabadha yar oo qoorta maqan tahay ay isku dayeen in ay goobta ka qaadaan si ay u aasaan balse ay ka diiday hooya dishay gabadheeda ugu dambeyna ay xoog uga qaadeen sidaasna ku aaseen.

Goob joogahan ayaa sheegtay in ay su’aaleen Hooyadan Xanuunsan sabbata ka dambeesa in ay gabadheeda ay gowrcado waxa ayna u sheegtay in gabdha uu madaxa xanuuno sidaa darteedna ay go’aansatay in gabi ahaan ay madaxa ka jirto si xanuunka uu u daayo.

Dad kale oo daris la ah Xaafada Dhacdadan ka dhacday ayaa sheegay in Hooyada dishay gabadheeda ay karsatay madaxa gabdheeda ayna kaloorad ku shubatay taa oo dad badan argagax iyo cabsi ku abuurtay.

Ciidamo katirsan Booliiska oo goobta soo gaaray ayaa la sheegay in halkaasi ka kaxeeyeen Hooyada gabadheeda Gowracday iyo caruur kale ay heesatay iyadoona laga cabsi qabay in ilmaha kale ay iyana qoorta ka jarto hooyadan Madaxa looga jiray.

Dhacdadan ayaa noqotay mid murugo iyo naxtin badan ku beertay dadka ku dhaqan Degmada Cabdi Casiis waxa ayna noqotay dhacdadii ugu xumeed ee Mudooyinkan ka dhacda Magaalada Muqdisho iyadoona aad u hadal hayaan dhacdadan dad badan oo maqlay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada