Qiso Jaceyl oo Taxane Ah: Wey Isirtay ileen Waa La Qabaa !!! Qeybta 2-aad

Qiso Jaceyl oo Taxane Ah: Wey Isirtay ileen Waa La Qabaa !!! Qeybta 2-aad

daajis.com:-Siddeeddii fiidnimo iyo qaddar daqiiqado ah ayaa waxaan soo istaagay meel aan sidaas uga fogeyn waddada loo yaqaano 12street ee ku taala xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Easleigh Nairobi, halkaas oo ay ballantu ahayd inaan isa soo taago, cabbaar haddii aan taagnaa halki ayaa waxa meel dhinaceyga ah iiga yeeray nin taxi driver ama taksiile madow ah Kuja happa markii an dhankiisa soo eegay waxaaba gacanta la iiga haatinayaa taksiga gudihiisa, waxaan isku dayay inaan aqoonsado ruuxa ii gacan haatinaya ee ku dhex jira gaariga yarka ah dhexdiisa. 


Indhaha ayaan ku taagay dhinacii gaariga hase yeeshee ma aqoonsan ruuxa uu yahay, anigoo damacsan inaan dib u majiirto ayaan misana maqlay,”Saxardiid walaal macaan maxaa ku helay ma igaran weyday, waa Warise”…. markii aan intaas maqlay ayaan mar kale xaggii gaariga u soo dhaqaaqay,waa gaari nooca loo yaqaano SPEED aa ah nooca ugu badan gawaarida taxi ahaanta looga adeegsado magaalada Nairobi,daaqadi dhankeyga soo xigtay ayaa la iga furay ,soo gal walaal see tahay ayay itiri Waris oo ahayd qofkii markii horeba ii dhawaaqayay ee gaariga dhexdiisa gacanta iiga haatinayay.

Nin xoog weyn oo wade ka ahaa gaariga ayaa markiiba inta marsho ku tuuray si xawli ah gaarigii u dhaqaajiyay,cabbaar haddii aan sii soconay waxaan gaarnay meel lagu macaabo JAVA oo ah meel laga cabo Cafega dadkuna ku nastaan.
Waxaan fariisanay meel gees ah oo dhabarka dambe ku haysa shabaq ka sameysan fiilooyin la isku maray waxaa fiilooyinkaas ku tidcan dhir midaba badan ka kooban, laan kasta oo dhirtaasi ka mid ah waxaa ku dhexjira nalal marba midab isku rogaya, dhinaca geesta ah ee midig waxaa naga fadhiya laba ruux oo caddaan ah oo midkood koofiyadda uu sito uu ku sawiran yahay calanka dalka Ingiriiska, dhanka kale ee bidixda waxaa naga xigay afar ruux oo laba kamid ahi ay tahay Hindida deggan dalkaan, labada ruux ee kalena ay yihiin Kenyan,hadal badan kama yeerayo goobta dadkuna iskuma mashquulayaan qolo waliba waxay ku sii jeedaa danaheeda.
Haddii goobtii aan fadhinay qiyaastii nusa saac sheekooyin xiisa badanina noo billowdeen ayay Waris si iskeed ah iskaga qaadday indha shareerki ay wadatay anigoo aan ka codsan waa gabar haybad iyo qurux alle u dhameeyay nin dhaayaha saaraa indhaha kama qaado,waan is celinwayaay waxaan ku iri MASHA ALLAAH,quruxleydeena ALLAHA noo kaa daayo, Waris,iyo aniga habeenkaas waxaa na dhexmartay sheekooyin aad u xiisa badnaa oo runtii isugu jiray qosol iyo kaftan, qof waliba markiisa uyuu qaadanayay sheekada,waxaan u sheekeysanaynay laba ruux oo aad u maleyso in mudo badan ay is yaqaaneen.

Waxay iga wareysatay nolosheyda,iyadana sidoo kale waxay iiga warantay nolosheeda iyo muraadka ay Nairobi u joogto, waxay ii sheegtay in halkaan ay joogto in kabadan shan sanadood markaasoo ay ka timid Soomaaliya, waxaan weydiiyay in ay tahay xaas iyo in kale hase yeeshee waxay iigu jawaabtay…….!!! Waa socotaa…lasoco qeybta 3aad maalinta Sabtida insha ALLAH.
Lasoco Qaybta 3aad 2 casho kabacdi
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada