War Deg Deg ah: Ergadi Jubbaland oo kala jabtay iyo Wadahadaladii Adis Ababa oo socdo, Cumar Cabdirashiid iyo Prof Gandhi oo caqabad noqday.

War Deg Deg ah: Ergadi Jubbaland oo kala jabtay iyo Wadahadaladii Adis Ababa oo socdo, Cumar Cabdirashiid iyo Prof Gandhi oo caqabad noqday.

daajis.com:-Warar goordhaweyd naga soo garay Magaalada Adis Ababa aya waxaay tibaxayaan in Magaaladaasi uu wali ka socdo Shirki lagu dhex dhexaadinayay Dowlada SOmalia iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyadoo la soo sheegayo in muran cusub soo dhex galay wafdigii ka socday dhinaca Magaalada Kismaayo.

Wararki ugu danbeyay ee Wadaxaajoodkasi ka socday Magaalada Adis Ababa ayaa waxaay sheegayan in Wufuudi Jubbaland ka socotay ay wada hadalada ku kala jabeen.

Khilaafkaan ayaa waxaa keenay ka dib markii Ergadi Dowlada Somalia ay ku adkaysatay in aysan aqonsan doonin Maamul wata Magaca Jubbaland State balse taasi badalkeda ay diyaar la tahay in Maamul KMG ah oo lagu magacaabo Maamulka Jubboyinka iyo Gedo Aqonsato.

Dood dheer iyo Falanqayn ka dib waxaa booskoodi ka soo dabcay Axmed Madoobe iyo Gen Fartaag Kuwaas oo ku qancay soo jeedinti Dowlada Somalia ee ahayd in Madaxweynaha Jubbaland uu qato Magaca ah Genaral Governar.

Balse waxaa Arinkaasi ka biyo diiday Qayb ka mid ah Ergadi Jubbaland oo ay ugu muhiimsan yihiin Prof Gendi iyo Cumar Cadirashiid kuwaas oo ku adkaysanayaan in aan wax tanaasul ah laga sameyn Magaca Jubbaland State iyo Titale ka uu qadanayo Hogaanka Ugu sareeya Jubbaland State.

Wali waxaa socda kulamo ay arinkaasi ka yeelanayaan Wafdigii Jubbaland balse waxaay u badan tahay in Saacadaha soo socda heshiis la saxiiixo kaas oo ay ka dhex muqan doonan Tanasulaad balaaran oo ay labada dhinacba sameyeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada