Diyaarad ay la socdeen Gudoomiyaha Galgaduud iyo Abaanduulaha ciidamada xooga dalka oo ku sigatay inay shil gasho

Diyaarad ay la socdeen Gudoomiyaha Galgaduud iyo Abaanduulaha ciidamada xooga dalka oo ku sigatay inay shil gasho

daajis.com:-Diyaarad ay la socdeen Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Mas'uuliyiin kale ayaa maanta ku sigatay inay shil ku gasho garoonka diyaaradaha degmada Guriceel.


Wafdigan oo saaka barqadii ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa isugu jiray mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Ahlusuna, kuwaasoo sii xoojinayay heshiiska Ahlusuna iyo dowladda ee ku saabsan mideynta ciidamada iyo xoojinta Ammaanka.

Diyaaradii siday ayaa lug u baxday, markii ay ka dageysay garoonka diyaaradaha Guriceel, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay.

Mas'uuliyiintan ayaa la sheegay inay bad-qabaan, isla markaana haatan kulamo kula leeyihiin degmada Guriceel odayaasha iyo bulshada ku dhaqan degmada, iyadoo dadka deegaanka ay hadal hayeen shilka diyaarada ay ka bad baaday.

Gudoomiyaha cusub ee Galgaduud ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacawday ayaa waxaa wehliyay Gudoomiyihii hore, waxaana dhowaan lagu wadaa inay xilka kala wareegaan.

Degmooyin ka tirsan Galgaduud ayaa waxaa gacanta ku haya Maamulka Culumaa'udiinka Ahlusuna, halka degmooyinka kalena ay maamulaan Xarakada Al-Shabaab oo horay dagaalo ugu dhex maray Gobolka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada