Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku hanjabay Tallaabo ka dhan ah Hubka kiimikamada ay Suuriya adeegsatay

Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku hanjabay Tallaabo ka dhan ah Hubka kiimikamada ay Suuriya adeegsatay

daajis.com:-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Ra'iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa ku hanjabay inay jawaab adag ka bixinayaan hadii ay Suuriya ku cadaato inay adeegsatay hubka Kiimikada.

Wada hadal qadka taleefanka ku dhex maray muddo afartan daqiiqo Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Britain waxay si cad u sheegeen inay qaadi doonaan tallaabo.

Labada Mas'uul ayaa waxay isku raaceen in qubaro ay soo eegaan goobta ay ka dhacday xasuuqa ee lagu adeegsaday Hubka kiimikada, waxaana ay ka dalbadeen Suuriya inay ogolaato qubarada si ay u soo arkaan.

Dowladda Suuriya ayaa beenisay eedeymaha sheegaya inay adeegsatay hubka Kiimikada, hase yeeshee waxay ku eedeysay Mucaaradka inay isticmaaleen hubkaas.

Hanjabaada ka soo yeeray Mareykanka iyo Britain waxaa ka digtay Iiraan oo xulufo la ah Suuriya, waxaana ay sheegtay in la fara geliyo Suuriyo lagala kulmi karo cawaaqib aad u xun.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareeyay hubka kiimikada ee dowladda Suuriya isticmaashay, iyadoo dalbatay in khubaro madax banaan loo diro si ay u soo baaraan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada