CR7 Oo United U Sheegay Inuu Doonayo Inuu Old Trafford Ku Soo Laabto, Laakiin Sannadkan Ma Ahan.

CR7 Oo United U Sheegay Inuu Doonayo Inuu Old Trafford Ku Soo Laabto, Laakiin Sannadkan Ma Ahan.

daajis.com:-Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Manchester United inuu jeclaan lahaa inuu ku soo laabto kooxda, laakiin marka la gaaro dhamaadka mustaqbalkiisa ciyaareed.

Sida ay qortay maanta jariirada Observer, 28 jirkaan Real Madrid u ciyaara ayaa u furan fekerka ah inuu ku laabto Old Trafford, seddexda ama afarta sanno ee ugu danbeysa mustaqbalkiisa ciyaareed.
Warkaan ayaa soo baxaya dhamaadka xagaa ay kooxda heysata horyaalka Premier League ay isku dayayso inay ciyaartoy ka keensato Spain.
Inkastoo aysan kooxda dalab adag ka gudbinin haatan Ronaldo, hadana waxaa dhiirogelin u ah in Ronaldo uu xiiseynayo inuu kooxda ku laabto mustaqbalka.
United ayaana laga yaabaa inay isku dayaan inay la soo wareegaan xiddiga reer Portugal bilowga xilli ciyaareedka soo socda, waxbana uma arki doonaan lacagta qaaliga ah ee heshiiskiisa qeyb ka noqon karta.
Ronaldo ayaa lix sanno ku qaatay United, isagoo heshiis 12 milyan ginni ugu soo biiray 2003dii, isagoo 18 sanno jir ah ka hor inta aan Real Madrid looga iibin lacag rikoorka adduunka ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada