Arag Gabadhaan Ninkay Raadinaysay Iyo Waxa Ku Dhacay!

Arag Gabadhaan Ninkay Raadinaysay Iyo Waxa Ku Dhacay!

daajis.com:- Waa Qisadii Gabadhii Quruxda Badnayd Ee Raadinaysay Ninka Saalixa ama wanaagsan Ah-


Waxaa jirtay gabar qurux Allah Sw u dhameeyay taasoo rabtay inay guursato, iyadoo raadinaysa nin sifooyinkaan leh:
  • Nin aqriya quraanka oo dhan maalin kasta!
  • Nin Sanadkii oo dhan soomaan!
  • Nin habeen iyo maalinba soo jeeda oo cibaadaysanaya!
Ragga badan ayaa rabay inay gabadhaan guursadaan balse marka ay hor dhigtay shuruudahaan kor ku xusan nin walba madaxa ayuu hoos u rogtay iyagoo ogaa inaysan kasoo bixin karin shuruudahaan. 

Ugu dambeyn nin ayaa soo dhaqaaqay oo yiri shurudahaan waan buuxin karaa oo diyaar baan u ahay inaan guursado gabadhaan quruxda badan kadiba imaamkii ayuu isku meheriyay labadaan ruux.

Habeenkii koobaad ee aqal galka xaaskii waxay aragtay ninkaan inuusan samaynayay shurudiihii ay hordhigtay, waxay aragtay inuusan quraankii oo dhan aqrinayn, habeen iyo maalinba cibaado u taagnayn, sidoo kale inuusan soomaayn maalin kasta. 

Way sugtay oo waxay istiri u kaadi dhowr asbuuc waxaa laga yaabaa inuu isbadalo, ma lahan wax isbadal ah, ugu dambeyn waxay go,aansatay inay iska furto!.

Labadoodii waxay iskula tageen qaadigii, xaasku waxay ku andacoonaysaa inuusan shuruudihii lagu balamay uusan oofin isaguna waxa uu ku doodayaa inuu la yimid oo kasoo baxay shuruudahaasi.

Qaadigii ayaa way diiyay ninkaan: “ma ka soo baxday oo ma la timid shuruudihii aad wada gasheen ka hor guurka?”
Ninkii ayaa si degan ugu jawaabay “Ha”
Qaadigii ayaa ku yiri: “waryaa kadhaab ayaad tahay, hadaad kasoo baxday shurudaas xaaskaagu kaama soo dacwooteen furniina ma dalbateen
Ninkii ayaa ku adkeeystay inuu oofiyay oo sidii la rabay uu uga soo baxay shurudihii la hor dhigay guurka ka hor.

Intaa kadib qaadigii ayaa weydiiyay ninkaan: “Quraanka oo dhan maalin kasta ma aqrisaa?
Ninkii ayaa ku jawaabay: “Ha”
Qaadigii ayaa ku yiri: “Sidee?”
Ninkii ayaa ku jawaabay: “waxaan aqriyaa Surah Ikhlas maalin kasta 3 jeer, Subanaheena NNKH wuxuu yiri: 3 jeer oo la aqriyo Surah Ikhlas waxay u dhigmataa quraanka oo dhan la aqriyay.”

Qaadigii ayaa weydiiyay: “Sidee sanadkii oo dhan u soontaa?”
Ninkii ayaa ku jawaabay, waxaan soomay bisha Ramadhaanka oo dhan waxaan ku daray 6 beri oo wadac ah bisha Shawaal, Rasuulkeena CSw wuxuu yiri: bisha ramaadanka oo la soomo iyo wadaca oo lagu daro waxay la mid tahay iyadoo sanadkii oo dhan la soomay.”

Qaadigii cabaar ayuu aamusnaa, wuxuu is yiri midaan u dambeysa jawaab uma uu haye kuday, waxa uu weydiiyay Sidee kuugu suurta gashay inaad habeenkii oo dhan soo jeeday oo cibaadeysanaysay, xaaskaagu waxay noosheegtay inaad huruday oo seexataye?

Ninkii ayaa ku jawaabay: Salaada cishaha yaan jameeco ku tukaday, subxigana jameeco yaan ku tukaday, Nabigeena NNKH wuxuu yiri: Qofkii saalada cishaha iyo subxigaba jameeco ku tukada waxa uu la mid yahay isagoo habeenkii oo dhan soo jeeday oo cibaadeysanayay.”

Qaadigii oo la hadlaya lamaanahaan ayaa yiri: “Orda, aada gurigiina guurkiina waxba kama qaldane.”

W/Q:
Xirsi Axmed


Ha iloobin inaad MASHA ALLAH tiraahdo hadaad qisadaan ka heshay. Soo qor MASHA ALLAH, hoosna kusoo qor 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada